Annaga Nagu Saabsan

Waa maxay Asylum Help?

Asylum Help (Caawinta Magangalyada), wuxuu qayb ka yahay ururka Migrant Help (Caawinta Soo-galootida), wuxuu magangalyo-doonka joogo dalka UK siiyaa talo madax-bannaan iyo hanuunin.  Migrant Help waa hay’ad samafal Ingiriis oo laga bilaabo 1963 adeegyo taageerid siisa dadka uu soo haajiray dalka UK.

Asylum Help Team

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Asylum Help wuu og yahay in hab-socodka magangalyada uu ahaan karo mid aad u adag oo dhib ah in lala qabsado. Haddii aad goor dhow soo gashay dalka UK ama waqti joogtey, Asylum Help wuxuu diyaar u yahay inuu ku siiyo taageerid iyo hanuunin si ay kaaga gargaarto hab-socodkan.

Asylum Help wuxuu ka hawlgalaa dalka UK oo wuxu u heellan yahay inuu baxsho talo sir ah iyo aan eex leheen.   Waxaan bixinnaa macluumaadka iyo  iloyinka aad u baahan tahay si lagugu caawiyo inaad garato xaaladdaada iyo ku sameyso go’aano aqoon leh. Hase-yeeshe, suurtogal ma ahan inaan looyar ku noqonno, laakiin waxaan kugu toosin karnaa ururyo xaafadda ku yaalo ee arrimahaas kugu caawin karo.

Asylum Help waxaa loogu talagalay dhammaan dadka codsadey magangalyo ama u baahan macluumaad ku saabsan meesha laga codsado magangalyo dalka UK.

Fadlan ogow inaan awoodno inaan talo ka bixinno waxyaabaha aad xaq u leedahay, laakiin kuma siin karno talo sharciyeed ama looyar kuma noqon karno. Haddii aan ku caawin karin, waxaan ku siin doonnaa liiska looyaro takhasuusan.